Hawl-wadeenada Madaxtooyada Qaranka oo maanta ka qeyb qaatay Ololaha IS-XILQAAN

Date:

Muqdisho (SNTV)-Maamulka, howlwadeennada iyo ciidanka Madaxtooyada ayaa maanta ka qeyb qaatay olalaha Barnaamijka ISXILQAAN ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.

Dhismaha ka socda Tiyaatarka qaranka iyo Maktabadda ayay howl wadeenaddu ka qeyb qaateen iyaga oo lix saacadood oo xiriir ah si wadajir ah uga shaqeynayey soo nooleynta xarumaha danta guud ee dalka.

Maareeyaha tiyaatarka Abwaan Cismaan C/llaahi Guure ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in meel fiican uu marayo dhismaha hoyga murtida iyo hanuuninta ee National Theatre. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shaqaalaha madaxtooyada ee maanta shaqada lahaa iyo dhammaan shaqaalaha dowladdu ay meel fiican soo gaarsiiyeen dhismaha Tiyaatarka.

Dhinaca kale maamulka Madaxtooyada ayaa dhismaha tiyaatarka ugu qeyb qaatay agab isugu jira Shamiito, badiillo, Sakeello, Xaaqimmo Iyo fargeetooyin kuwaas oo lagu wareejiyay guddiga gacanta ku haya dhismaha.

Shaqaalaha maanta ka qeyb galay Barnaamijka ISXILQAAN ee ka socday Madaxtooyada ayaa gaarayay 600. Iyada oo 200 oo ka mid ah ay ahaayeen ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

Barnaamijka IS-XILQAAN oo 26 July ee sanadkaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si dardar leh uga socda wadanka iyada oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...