Ciidamada ammaanka oo fashiliyay qarax miino oo lagu aasay Heliwaa

Date:

Muqdisho (SNTV):–Ciidamada NISA, booliska iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in la fashiliyo qarax miino oo lagu aasay Degmada Heliwaa, kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen la shaqeynta laamaha ammaanka.

“Wada shaqayn dhaxmartay ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino ay argagixisadu galiyeen dhulka si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.Wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya AS”.ayaa Lagu yiri War ka soo baxay NISA

Ciidamada Amniga ayaa had iyo jeer wado dadaallo ku aadan sidii looga hortagi lahaa falalka arxan darada ah ee kooxaha Argagixisada, iyagoo gacanta ku soo dhigay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad maleegayay weerarro Argagixiso kuwaas oo la rabay in waxyeelo loogu geesto Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...