Xildhibaanada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay wax ka bedelka sharciga hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Date:

Muqdisho (SNTV) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay wax ka bedelka hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Hindise sharciyeedkan ayaa soo maray heerar kala duwan sida aqrinta 1-aad, aqrinta 2-aad, iyo aqrinta 3-aad.

Inta uu maraayay heerarkaas ayaa xildhibaanada waxay ku dareen talooyinkooda iyo soo jeedino la xiriira meelaha in laga bedelo u baahan xeerkan.

Kulanka oo ay soo xaadireen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay muhiimada uu xeerkan leeyahay iyo sida ay guddigooda ugu soo shaqeeyeen bilihii u dambeeyay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in maalinta sabtida cod loo qaadayo hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaan walbo uu fursad u heysto inuu talooyinkiisa uu ku biiriyo.

“Codeynta sharcigaan waxa ay dhaceysaa maalinta Sabtida xildhibaan walba waxa laga codsanaya inuu isku soo diyaariyo maadaama maanta aysan fadhin kooramkii lagu codeyn lahaa, xildhibaankii doonaya inuu wax ku daro fursad ayuu heystaa”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...