Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Xarunta Gobalka Banaadir Iyo Dekadda Muqdisho

Date:

Muqdisho, Nofeembar 21, 2018ย โ€“โ€จโ€จRaโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda, Dekadda Muqdisho iyo xarunta maamulka gobalka Banaadir si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda maaliyadda ayuu Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow), oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda oo ay kamidka yihiin geeddi socodka cafinta daynta lagu leeyahay dalka, iyo horumarinta aruunrinta dakhliga dawladda.

Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada ballaaran ee wasaaradda ay hormuudka u tahay ee lagu hagaajinayo dhaqaalaha dalka, waxa uuna faray wasiir-ku xigeenka in lasii laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo fulinta qorshayaasha qaranka u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha qaranka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul wasaaraha XFS ayaa kormeeray qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho, waxa uuna kulamo la qaatay maamulka sare ee dekadda oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa uu sidoo kale kormeeray xarunta maamulka gobalka Banaadir, oo uu kula kulmay guddoomiyaha gobalka, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyaha gobalka kala hadlay dardar gelinta barnaamijyada horumarinta gobalka, adkaynta amniga, soo celinta bilicda caasimadda iyo dardar gelinta Barnaamijka Is-xilqaan.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo heyโ€™adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง ๐ฎ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...