Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Xarunta Gobalka Banaadir Iyo Dekadda Muqdisho

Date:

Muqdisho, Nofeembar 21, 2018 –

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda, Dekadda Muqdisho iyo xarunta maamulka gobalka Banaadir si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda maaliyadda ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow), oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda oo ay kamidka yihiin geeddi socodka cafinta daynta lagu leeyahay dalka, iyo horumarinta aruunrinta dakhliga dawladda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada ballaaran ee wasaaradda ay hormuudka u tahay ee lagu hagaajinayo dhaqaalaha dalka, waxa uuna faray wasiir-ku xigeenka in lasii laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo fulinta qorshayaasha qaranka u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa kormeeray qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho, waxa uuna kulamo la qaatay maamulka sare ee dekadda oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa uu sidoo kale kormeeray xarunta maamulka gobalka Banaadir, oo uu kula kulmay guddoomiyaha gobalka, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyaha gobalka kala hadlay dardar gelinta barnaamijyada horumarinta gobalka, adkaynta amniga, soo celinta bilicda caasimadda iyo dardar gelinta Barnaamijka Is-xilqaan.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...