Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Xarunta Gobalka Banaadir Iyo Dekadda Muqdisho

Date:

Muqdisho, Nofeembar 21, 2018 –

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda, Dekadda Muqdisho iyo xarunta maamulka gobalka Banaadir si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda maaliyadda ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow), oo uga warbixiyay hawlaha ka socda wasaaradda oo ay kamidka yihiin geeddi socodka cafinta daynta lagu leeyahay dalka, iyo horumarinta aruunrinta dakhliga dawladda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada ballaaran ee wasaaradda ay hormuudka u tahay ee lagu hagaajinayo dhaqaalaha dalka, waxa uuna faray wasiir-ku xigeenka in lasii laba jibbaaro dadaallada lagu dardar-gelinayo fulinta qorshayaasha qaranka u ah si loo xaqiijiyo hadafka guud iyo hiigsiga danaha qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa kormeeray qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho, waxa uuna kulamo la qaatay maamulka sare ee dekadda oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa uu sidoo kale kormeeray xarunta maamulka gobalka Banaadir, oo uu kula kulmay guddoomiyaha gobalka, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyaha gobalka kala hadlay dardar gelinta barnaamijyada horumarinta gobalka, adkaynta amniga, soo celinta bilicda caasimadda iyo dardar gelinta Barnaamijka Is-xilqaan.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...