Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dhallinyarada oo ka arrinsaday horumarka iyo ammaanka Gobolka

Date:

Muqdisho, Nofeembar 21, 2018— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay kumannaan dhallinyarada Gobolka ah ayaa sheegay in la dardar gelinayo fursaadaha shaqo ee dhallinyarado, maadama ay aasaas u yihiin horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey fursado shaqo oo kun ah kuwaas oo dhawaan lagu shaqaaleysiin doono qaar ka mid ah dhallinyarada, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si hufan loo maareeynayo fursadahaas, si loo xulo dhallinyaro hormuud u noqon kara horumarka Gobola Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa bogaadiyey dadaallada joogta ah ee shaqaalaha Gobolka Banaadir ay ku bixinayaan oleleyaasha kala duwan ee Barnaamijka Isxilqaan, iyadoona haatan ay meel wanaagsan marayaan hawlaha dib u dhiska iyo soo celinta bilicda Garoonka Muqdisho, Madxafka iyo Tiyaatarka Qaranka.

“Horumarka Gobolka waxaa udub dhexaad u ah dhallinyaradeenna oo haatan dadaal joogta ah ku bixinaya sidii aan ula tartarmi lahayn Caasimadaha kale ee Dunida. Waxaa naga go’an in aan mideyno dadaalladaas, innagoo gacmaha is-haysanna aan gaarno halka aan higsanayno.”

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay dhallinyara Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, gacan weynna ka geystaan sidii looga hortagi lahaa falalka arxan darrada ah ee argagixisadu ay u maleegaan shacabka, maadama dadka ugu badan ee gumaadka ay ku hayaan argagixisada Alshabaab ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhankooda, Dhallinyaradii ka soo qeyb galay munaasabadda ayaa soo dhaweeyey qorsheyaasha horumarineed ee Gobolka Banaadir, iyagoona ballan qaaday in ay dardar gelinayaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadda, horumarka iyo isdhex galka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...