Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dhallinyarada oo ka arrinsaday horumarka iyo ammaanka Gobolka

Date:

Muqdisho, Nofeembar 21, 2018— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay kumannaan dhallinyarada Gobolka ah ayaa sheegay in la dardar gelinayo fursaadaha shaqo ee dhallinyarado, maadama ay aasaas u yihiin horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey fursado shaqo oo kun ah kuwaas oo dhawaan lagu shaqaaleysiin doono qaar ka mid ah dhallinyarada, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si hufan loo maareeynayo fursadahaas, si loo xulo dhallinyaro hormuud u noqon kara horumarka Gobola Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa bogaadiyey dadaallada joogta ah ee shaqaalaha Gobolka Banaadir ay ku bixinayaan oleleyaasha kala duwan ee Barnaamijka Isxilqaan, iyadoona haatan ay meel wanaagsan marayaan hawlaha dib u dhiska iyo soo celinta bilicda Garoonka Muqdisho, Madxafka iyo Tiyaatarka Qaranka.

“Horumarka Gobolka waxaa udub dhexaad u ah dhallinyaradeenna oo haatan dadaal joogta ah ku bixinaya sidii aan ula tartarmi lahayn Caasimadaha kale ee Dunida. Waxaa naga go’an in aan mideyno dadaalladaas, innagoo gacmaha is-haysanna aan gaarno halka aan higsanayno.”

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay dhallinyara Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, gacan weynna ka geystaan sidii looga hortagi lahaa falalka arxan darrada ah ee argagixisadu ay u maleegaan shacabka, maadama dadka ugu badan ee gumaadka ay ku hayaan argagixisada Alshabaab ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhankooda, Dhallinyaradii ka soo qeyb galay munaasabadda ayaa soo dhaweeyey qorsheyaasha horumarineed ee Gobolka Banaadir, iyagoona ballan qaaday in ay dardar gelinayaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadda, horumarka iyo isdhex galka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...