Wasiir Beyle oo shirguddoomiyeyay kulanka todobaad laha ah ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya โ€œSMP3โ€

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta guddoomiyeyay kullanka todobaad laha ah ee Barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya ee SMP3.

โ€œMaanta waxaan shir gudoomiyay kulanka Todobaad laha ah eeย  SMP3, Waxaan diiradda Ku saarnay howlaha na horyaala iyo u diyaar garowga arimaha SMP3 nagala doonaya in aan fulino,โ€ ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa diyaargarow ugu jirta ka qeyb galka shir Dowladda Soomaaliya,Hayโ€™adda IMF iyo Banka aduunka ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Hayโ€™adda lacagta aduunka (IMF) ayaa Dowladda Soomaaliya ku ammaantay hufnaanta iyo daah-furnaanta maaliyadeed ee ay ku tallaabsatay sanadihii ย ugu danbeysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale