Madaxda 54-ta dal ee ururka Midowga Afrik oo qodobo muhiim ah kasoo saray shir ay ku yeeshen Adis ababa

Date:

SNTV;- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inuu u soo gaba-gaboobay shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay kaga qeyb galay shirka  ka furmay magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirka oo socday mudo labo cisho ah ay ku wehlinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaraada Soomaaliya ee Ethiopia.

shirka ayaa intii u socday waxaa  diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa  arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada.

“Waxyaabaha looga  hadlay shirka ayaa waxaa ka mid ah dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay inuu kullan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka socotay Midowga Afrika,kuwaasi oo ay ka wada hadleen isdhex-galka gobolka iyo iskaashiga wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isdhex-galka shacuubta saddexda dalka.

Shirka oo gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka wuxuu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday,islamarkaana Soomaaliya qeybtii iyo kaalintii ku lahayd Midowga Afrika,caalamka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dibada dib u soo noqotay horayna u socon doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...