Dhaqaatiir Soomaali ah oo Isbitaal weyn ka hirgaliyay Ohio

Date:

Magaalada Columbus Ohio oo ah magalada labaad ee Somaalida ugu baddan Mareykanka ku nooshahay ayaa markii ugu horeysay laga hirgaliyay Isbitaal ay leeyihiin dhaqaatiir Soomaali ah  oo wax ku bartay Dalka Mareykanka waxa uuna qaabilsanyahay cudurada Guud.

Medcar Clinic ayaa noqonaya mid ay ka howlgalaan dhaqaatiir Soomaali iyo ajanabiba isugu jiraan kaas oo dabooli doona baahida dadka ku nool Ohio gaar ahaan dadka waayeelka ee ay ku adagtahay ku hadalka Luuqada Englishka.
Inkasta oo ay jireen isbitaalo yar yar oo ay dhaqaatiir Soomaali ah leeyihiin hadana kani waa uu ka duwanyahay waana isbitaal weyn oo ay bukaan socodku ka heli doonaan dhaqaatiir Taqasusu leh.
Furitaanka isbitaalkan waxaa ka soo qeybgalay, Masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka, Ganacsato, Culumo, Waxgarad, Arday, Dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kasoo Qeybgalayaasha Xafladaan ayaa  isku raaceen in isbitaalkan uu ku soo aaday xili loobahanaa isla markaana uu ka tarjumayo muuqaalka guud ee Soomaalida Ohio iyo sida ay wax baddan ugu soo kordhiyeen gobolkan.
Dr: Farhiya Mohamud Shirwa & Dr Amina Abdule Godane waa labo gabdhood oo in ka yar 15 sano ku nool wadankan isla markaana ka gun gaaray waxbarashada caafimaadka iminkana u gudbay in ay dadkooda kuu caawiyaan aqoontii ay soo barteen iyaguna ay mustaqbalkooda ku sii hiigsadaan.
Waxa ay arintani dhiiro gelin u noqonaysaa dhalinyarada wax ka barta dalka Mareykanka oo ah dal ay ardada maraan marxalado aad u adag iyaga oo wajaha waqtiyo ay la xariira shaqooyinka ay ka shaqeeyaan iyo waxbarashada waana wado uu maro qof walba oo hiigsi leh.
    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...