Bahda garsoorka dalka oo xusay dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH

Date:

Muqdisho (SNTV)– Sanadkasta maanta oo kale ayaa meela badan oo caalmka katirsana laga xusaa dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH, waxaa meelaha sida gaarka ah looga weyneeyo kamid ah Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen bahda Garsoorka ayaa maanta ka dhacday Xarunta Maxkamadda Gobalka Banaadir, waxaana ka qeyb galayย  Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Waziiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir,ย  Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Babanaadir, Kusimaha Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka, Culumaaโ€™udiin, Arday iyo Marti sharaf kale .

Salligaย  iyo taariikhda nabiga ayay culumada ku soo bandhigeenย  kulankii maanta, waxaana wax badan la iska xasuusiyay kusoo biiridii nabigeen dunidan iyo sida ay ku soo bilaabatay taariikhda faafidda diinta ee uu nabigeena u ahaa dhameystir dhamman fariimihii Allah nooga yimid.

Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sareย  ee dalka ayaa soo xiray munsaabadda isagoo uga mahad celiyay dhamman ka qeybgalayaashii munaasabadda dhalashada Nabigeenna Muaxammed NNKH ย sida ay ugu heelan-yihiin.

Taariikhda ayaa la wariye in Nabigeenna uu ku soo biiray bishan oo kale 570-sano Miilaadiga kadib, waxa uuna ahaa nabigii ugu dambeeyay ee Allah u soo diray dhammaan dadka dunidan ku nool siโ€™ uu ugaarsiiyo fariinta Allah ee uu xiriiriyaha ka ahaa Malkul Jabriil CSW.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...