Xeebaha deegaanada Hirsahabeelle oo laga sifeynayo haraadiga biraha, doonyaha iyo maraakiibta bur burtay

Date:

Muqdisho (SNTV);– Maamulka Hirshabeelle ayaa dadaal ugu jira sidii Xeebaha deegaanada Maamulkaasi looga sifeyn lahaa haraadiga biraha,doonyaha iyo maraabkiibta burburay.

Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Badda Maamulka Hirshabeelle Xuseen Maxmed tuur-yare ayaa Radio Muqdisho u sheegay iney qiimeyn ku sameeyeen xeebaha deegaanada Hirshabeelle,islamarkaana ay wadaan qorshe looga sifeynayo haraadiga biraha,doonyaha iyo maraakiibta burburay ee badda dhexdeeda iyo banaankeeda yaalla.

“ run ahaantii bur burkii Dowladd dhexe,xeebaha Soomaaliya waxay noqdeen meelaha ugu badan ee lagu soo qubo qashinka haraadiga u ah Warshadaha ee dalalka shisheeye ay ku soo qubaan oo dhibaato fara badan ay ka soo gaarto dadkeenna Soomaaliyeed,si taasi looga gaashaanto Maamulka Hirshabeelle wuxuu dadaal ugu jiraa sidii haraadiga qashinka looga sifeyn lahaa Xeebaha deegaanada Hirshabeelle,”ayuu yiri Mr. Tuur-yare.

Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Badda Maamulka Hirshabeelle Xuseen Maxamed Tuur-yare ayaa sheegay in Xeebta degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe lagu arkayo haraadiga doonyo iyo maraakiib bur buray oo ku soo caariyeyay,kuwaasi oo u baahan in laga nadiifiyo si bilicdii ay lahayd xeebta degmadaasi loo soo celiyo.

Ugu danbeyntii,Wasiir Tuur-yare ayaa sheegay in dhammaan bur burka maraakiibta iyo doonyaha ay dhibaato ku qabaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira wiilasha iyo Gabdhaha ee Xeebaha Gobolka Shabeellaha dhexe sida degmooyinka Warshiikh iyo Cadalle u damaashaad taga,wuxuuna carabka ku dhuftay iney xoogga saarayaan sidii ay xeebaha uga sifeyn lahaayeen haraadigaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...