Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Dood Wadaag U Dhaxaysa Dowladda Iyo Ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Muqdishoย  (SNTV)ย  Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta daah-furay dood wadaag u dhaxaysa ganacsatada iyo Dowladda oo looga hadlayay qorshaha xilliga dhaw iyo waqtiga fog ee dowlada Soomaaliyeed ay ka leedahay kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, ayaa sheegay in laga doonayo ka qayb galayaasha shirku in ay aad uga doodaan qaybaha muhiimka u ah horumarka ganacsiga iyo adkeynta xiriirka ganacsatada iyo Dowladda.

Raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad celiyay kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen dib-u-dhiska dalka iyo bixinta canshuuraha.

โ€œGanacsatada Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay waxa ay bixiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 27 sano, Sannadka soo socdana waxaan ka rajaynayaa inay intaas kasii badan doonto. Waxa ay suurtageliyeen in la bixiyo mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamda iyo in dunidu na aaminto oo si toos ah loo kabo miisaaniyaddeena. Guulahan waxaan ku gaarnay inaan la dagaallannay musuqmaasuqaโ€, ayuu raaciyay raโ€™iisul wasaare Khayre.

โ€œWaxaan rajeynayaa inaan laga hadlin, maxaan ahaan jirnay iyo maxaan hadda nahay ee laga hadlo maxaan noqon karnaa? Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin 30 sano ayaa naga luntay ee laga hadlo sidii aysan daqiiqad kale nooga lumi lahayn. Waxaan rajeynayaa in ganacsatadu aysan dowladda sugin oo ay aqbalaan in ay iyagu dowladda yihiinโ€, ayuu yiri raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Khayr ayaa kulanka ka sheegay in sanadkii ina dhaafay kobaca dhaqaalaha dalkeenna lagu qiyaasay 2.3%, sanadkanna la filayo in uu kobacu gaaro 3-4%, sicir-bararkuna uu hoos u dhacay 6%, shirkadaha cusub ee is diiwaan geliyayna ay labalaabmeen, Rajo wanaagsanna ay muuqato.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayna kasoo qeyb galeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda Beesha caalamka ayaa laga filayaa in si gaar ah loogu lafa guro guulihii lagu gaaray iskaashiga u dhexeeya dawladda iyo hayโ€™adaha kale ee gaarka loo leeyahay wixii ka dambeeyay madashii Lonodon, fursadaha iyo caqabadaha jira iyo in la isla garto meelaha ay tahay in si gaar ah muhiimadda loo siiyo si dhaqaalaha loo kobciyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...