Cawad oo dowladda Sudan iyo shacabkeeda kaga mahad celiyay deeqaha waxbarasho

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Professor Xeydar oo ah guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dhiira gelinta tacliinta sare ee labada dal iyo sidii waxbarasho sare loo siin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu dhiira gelinayo sare u qaadista waxbarashada.

“Golaha Shacabka waxa uu bogaadinaya wada shaqeynta iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Jaamacadda Omdurman iyo jaamacaddaha dalkeena”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda Sudan iyo shacabkeeda kaga mahad celiyay deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.

Masuuliyintii uu hogaaminaayay guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan Professor Xeydar ayaa dhankooda Golaha Shacabka  ku amaanay dadaalka uu ugu jiro sare u qaadista waxbarashada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka mudane Cali Cusmaan Xirsi “Cali Jowhar” iyo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...