Muqdisho (SNTV)- Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo maalmahanba booqasho Ku Joogay Isaga Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyprus ayaa la kulmaya madaxda Cyprus.
Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa La kulmey Madaxweyne Mustafa Akinci, Ra’isulwasaare Mudane Erhurman, iyo Ra’isulwasaare ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Kudret Özersay ee dalkaan.
Kulankoodi ayaa waxaa ay diradda ku saariin xiriirka ka dhexeeya Cyprus iyo Soomaaliya iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya.
Sidoo kale Wuxuu Ka qeyb galay Munaasabadda 35-Sano guurada aasaska Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyrprus.
Waxaa ku wehliya socdaalkiisa xubno ka tirsan Golaha SHacabka.