Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galgaduud oo Alshabaab kala wareegay deegaano hor leh

Date:

Dhuusamareeb (SNTV)- Ciidamada Xooggaa Dalka iyo kuwa Galmudug oo is kaashanaya ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegay  Deegaanka Gool-goole oo qiyaastii 85Km  Koofur ka xiga Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada Hoggaaminaya ayaa waxa ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen in Dagaal kooban uu Halkaasi ka dhacay ka dib Maleeshiyaadku isku dayeen inay Deegaanka dib ugu soo laabtaan.

Wararka aynu hada ka helayno Deegaandaas ayaana waxa ay sheegayaan in Ciidamadu Kooxihii Al-shabaab ee Dadka dhibaatayn jiray ay sii baacsanayaan waxa ayna Al-shabaab isaga baxeen Deegaano hor leh maadaama Ciidamada Xoogga Dalku ku sii wajahan yihiin.

Howlgaladaan ay iska kaashanayaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa la doonayaa in Maleeshiyaadka looga xoreeyo Meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka.

Dadka Deeganadaas ayaa waxa ay Ciidamada ka caawinayaan sidii ay u soo sheegi lahaayeen Meelaha Nabadiidka Al-shabaab ay ku dhuumaalaysanayaan waana mida fududaysay in Saaka lagala wareego Deegaano hor leh.

By: Maxamed Cabdi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...