Ciidamadda Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Daacish, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada Dhagar qabahan ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee ISIS maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha.

“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howgalo ay wadaan Ciidamadda Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyagoona gacanta kusoo dhigay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad qorsheynayay inay waxyeelo u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...