Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Shaqaallaha Wasaaradda oo ka qeyb galay Barnaamijka Is-xilqaan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo ay weheliyaan wasiir ku-xiggeenka, wasiiru dowlaha, agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ayaa maanta ka qeyb galay barnaamijka Is-xilqaan oo ka socda Tiyaatarka Qaranka iyo Maktabada Qaranka.

Ololahaan maanta  ay ka qeyb galeen madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ayaa lagu dhisaya xarumaha danta guud ee dalka.

Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada XFS, Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle jaabir  ayaa  u mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo iska lahaa hal abuurka barnaamijkan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda XFS, Mudane Cabdulaahi Goodax Barre oo ka qeyb galay  barnaamijka Is-xilqaan ee lagu dhisayo Golaha Murtida iyo Wacyi gelinta iyo Maktabadda Qaranka ayaa sheegay in ay muuqato ahmiyadda uu leeyahay barnaamijka Is-Xilqaan oo ay ku baaqeen Madaxweynaha JFS  iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS.

“Maanta waxaan ka qeyb galay barnaamijka is xilqaan oo ka socda tiyaatarka qaranka iyo Maktabadda qaranka ee magaalada Muqdisho, ololahan waxaa igu wehelinayay  wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, wasiirul dowlaha, agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaaradda, barnaamijkan is xilqaan waa mid ahmiyad weyn u leh dalka, isxil qaan meelaha maanta  shaqada laga qabanaayo waa meelo sigaar ah qiimo ugu fadhiya bahda waxbarashada waxana  muhiim  ah in bartimaameedka laga dhigto meelaha bulshadu ay ka toosto,”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in kan wasaarad ahaan ay ka  go’an tahay inay door muuqda ay ka qaatan horumarinta dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...