Dagaalkan ayaa ย u dhaxeeya Maleeshiyo ka wada tirsan Al shabaab waxaana u ka dhacay duleedka degmadda Jilib gaar ahaan wadada isku xirta Buโaalle iyo Jilib.
Dagaalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Garab ka tirsan Argagaxisada Al shabaab ay Jilib ku dileen Abuu Yoonis Al Misri oo u dhashay Dalka Masar iyagoo ku tuhmay inuu xiriir la leeyahay Argagaxisada Daacish, waxaana koox ย Ajaaniibta katirsan ay ka xumadeen dilka loogeystay horjoogohada ย waxaana ka careysiisay ย kooxda dagaal la galeen Maleeshiyadii weerarka geysatay.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa si hoose Warbaahinta Qaranka u ย sheegay in Xaalada hada ay kacsan tahay, iyadoo Garabka Weerar ku qaaday Jilib ay xabsiga u taxaabeen 20-ka mid ah Dhagar qabayaasha Al shabaab oo ay ku jiraan Horjoogaha Degmada Jilib ee Argagaxisada iyo kuwa u qaabilsan Borobogandada iyo marin habaabinta Bulshada waxaana dhamaantood looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Argagaxisada Daacish.
Sanadkii 2013 Bishii June 30-keedii sidan oo kale waxaa bartamaha Degmadda Baraawe kooxda Al-Shabaab waaxda Amniyaadka oo ka amar qaadanayay markaa hogaamiyihii la dilay ee Axmed Godane ay dileen Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad (Macallin Cali) iyo Cabdixamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan (Macallin Burhaan) ragaan oo dilkooda bastolado loo adeegsaday xiliga salaadda cishe ayaa waxay isku dhaceen hogaamihii Al-Shabaab ee Godane.
Maleeshiyada Al shabaab ayaa caan ku ah khaarijinta Horjoogayaasheeda isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta, iyagoo isku khilaafa dhaca iyo dilka Shacabka Soomaaliyeed, waxayna taasi keentay in Shacabka ay fahmaan ujeedka dhagar qabayaasha oo ah inay gumaadaam dad aan waxba galabsan.