Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gobolka Galgaduud

Date:

Muqdisho (SNTV);- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka taagan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin colaada ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud.

“ Waxaan magaca golaha shacabka baaq ugu soo jeedinayaa shacabka ku dhaqanka gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale oo ay colaad ka soo cusboonaatay oo dhex martay beelo walaalo ah, waxaan beelahaas usoo jeedineynaa in si deg deg ah nabadda ku qaataan oo ay heshiiyaan”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Guddoomiye Mahad ayaa xukuumadda Soomaaliya ka codsaday iney xoogga saarto joojinta colaadaas iyo in beelaha walaalaha la heshiisiiyo.

“ Waxaan usoo jeedineynaa xukuumadda iyo maamulada kale ee degaankaas ka jira in beelaha dirirtu ka dhaxeyso gurmad deg deg ah loo diro, colaadana la joojiyo”. ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...