Daminta dab qabsaday qeyb Ka mid ah Keydka Hadalka Radio Muqdisho oo Lagu guuleystay

Date:

Muqdisho (SNTV);- Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayadoo dabkaasina uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10-kii barqanimo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeyb weyn ka qaatay daminta dabka oo in ka yara 15-daqiiqo soo diray Gaadiidka iyo Kooxda dab damiska,kuwaasi oo suurtagal ka dhigay in si deg deg ah dabka loo damiyo.

Qasaaraha ka dashay dabka ma badna, waxaana Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay ku howlan yihiin tirakoobka cajaladaha gubtay.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa u mahad celiyay shaqaallaha dab damiska gobolka Benaadir iyo shaqaallaha Wasaaradda Warfaafinta oo iyagu aan ukala harin daminta dabka iyo daad gureynta cajaladaha ku keydsan keydka hadalka Radio Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...