Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow oo dhagax dhigey Iskuul iyo Hospitaal laga hirgalinayo Deegaanka Ceelhuur ee Duuleedka Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho (SNTV) Deegaanka Ceelhuur ee duuleedka Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yahiin in ka badan 3-kun oo qoys ayaan lahayn xarumo caafimaad iyo kuwa waxbarasho.

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo todobaadkii hore booqasho ku tagay deegaanka Ceelhuur ayaa shacabkii uu halkaasi kula kulmay ay usoo bandhigeen baahiyaha Waxbarasho iyo caafimaad ee ka jira halkaasi, waxaana uu intaasi ka dib dhagax dhigay Iskuul iyo Xarun caafimaad oo dadku ay ka helaan adeegyada ay u baahan yihiin

Qaar kamid ah Odayaasha iyo dadka deegaanka ayaa uga mahad celiyey Xildhibaan Carabow sida uu uga jawaabay baahidooda muddo isbuuc gudihiis ah, iyagoo balan qaaday in dhankooda ay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha xarumahaan.

Guddoomiyaha Dagmada Wadajir ee Maamuulka Gobalka Banaadir Cumar Cabdulaahi Xasan ayaa shegaay in dhagax dhiga xarunta caafimadka iyo iskuulka ay tahay mid ay baahi weyn ugu qabeen dadka deegaanka, isagoona shegaay in loo baahanyahay in la caawiyo dadka ku nool deegaanka.

Xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim ayaa shegaay iney aad u xanuujisay dhibaatooyinka heysta dadka deegaanka Ceelhuur, waxaana uu shegaay iney Dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban doonto baahiyaha Deegaanka kajira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...