Kusimaha madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyey qaraxyadii bahalnimada ahaa

Date:

Muqdisho (SNTV)- Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee ka dhacay Isgoyska Km4 gaar ahaan hotelka Saxafi  ee Magaaladda Muqdisho,Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxdan ay caadeysatay dhiiga Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay mar walba beegsadaan dadka aan waxba galabsan sidoo kalena ay beegsadaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan,wuxuuna tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadkan ay maanta dadka Shacabka ah ku xasuuqeen ayna kooxdan geysteen iyadoo ay tahay maalin jimcaha kana duwan maalmaha kale ee Alle sidoo kalena ah maalin ciideed.

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha ayaa aad u amaanay ciidanka Amaanka Qaranka oo mar walba naftooda u huraya badnaadinta dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga dhagarta kooxaha aragagixisada ah ,wuxuuna ku baaqay in loo midoobo la dagaalankooda islamarkaana meel looga soo wada jeesto si loo cirib tiro maadaamaa hadaba ay naf lacaari yihiin.

“Waxay dad Shacab ah  qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed  ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah”  Ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...