Shariif Xasan Sh Aadan oo iska casilay madaxweynimada Koofur Galbeed

Date:

Madaxweynihii maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa is casilay.

Shir saxaafadeed lagu qabtay Baydhabo oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayuu Shariif Xasan ku shaaciyay is casilaaddiisa.

Waxa uu sheegay in uu isu casilay ilaalinta danta guud iyo danta dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan Sh Aadan, ayaa sheegay in uusan isu soo sharrixi doonin doorashada madaxtinimada Koofur galbeed ee lagu wado in dhowaan qabsoonto.

Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa siyaasadda Soomaaliya ku jiray tan iyo 2004 isagoo labo jeer noqday guddoomiye baarlamaan, marna ahaa ra’iisulwasaare ku xigeen iyo wasiirka maaliyadda.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu si KMG ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo heynaya xilkaas inta ay ka dhaceyso doorashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...