Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay keddib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Jubba oo lagu dhammeystirayay heshiiskii ay gaareen dhinacyada South Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Jubba ee Caasimada dalka South Sudan waxa uu kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi, isaggoo kala hadlay sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Suudaan , ayaa Jaaliyadda uga warbixiyey xaaladda dalka uu ku sugan yahay, isaggoo xusay  Gacansatada dalkaasi ku nool in dawladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa  inta aanu kasoo ambabixin Jubba, waxa uu kulan gaar ah uu la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Salva Kiir Mayardit, waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo in dhidibada loo adkeeyo nabadgalyada guud Gobolka oo ah mid isku tolan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...