Maalinta Afrika oo laga xusay Dalka Kuwait

Date:

Kuweit City-(SNTV)-Munaasabad lagu weyneynayo Maalinta Afrika ayaa lagu qabtay Magaalada Kuweit City ee Caasimadda Dalka Kuweit.

Xafladda oo si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madax ka socota Dowladda Kuwiat, Danjirayaasha Caalamka u fadhiya Dalka Kuwiat, Ururadda Adduunka iyo dhamaan Jaaliyadaha Dalalka Afrika ee ku nool Kuwait.

Ugu horeyn waxaa Munaasabadda loogu dabaal dagaayay Maalinta Afrika khudbad ka jeediyey Madaxda Danjirayaasha ee ku sugan Kuwait , kuwaas oo dhamaantood ku celceliyay in ay Afrika ku socoto Wadadda horumarka iyo Xallinta dhibaatada Afrika u gaarka ah, iyagoo tusaale u soo qaatay doorka Ciidamada Afrika ee ku sugan Dalka Soomaaliya iyo sida ay Gacanta u siiyaan Walaalahood SNA.

Dhanka kale, waxaa isla goobtaasi lagu qabtay bandhig dhaqameed ka tarjumaya hiddaha Waddamada Qaaradda Afrika, iyadoo Soomaaliyana ay doorkeeda ka cayaartay bandhig dhaqameedkaasi.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait, Abiib Muusa Faarax oo hor kacayay Madaxdii iyo marti sharaftii ka qayb qashay munaasabadda ayaa kormeer guud ku sameeyay bandhig dhaqameedkii ay sameeyeen Dowladahii kasoo qayb galay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...