AMISOM oo Billado guddoonsiisay Guutooyin la sagootinayay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Guutooyinka 44-aad iyo 45-aad ee Ciidanka Burundi qaybtana ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la guddoonsiiyay Billado iyo Shahaadooyin, markii ay dhammaysteen shaqadoodii Sanadlaha ahayd ee ay ka hayeen Soomaaliya.

Munaasabaddan oo dabayaaqadii Todobaadkan ka dhacday Muqdisho, ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha  Ciidanka Burundi, Col. Remy Cishahayo, wuxuuna ammaanay doorkii ay Guutooyinkan ku lahaayeen howlgalka ay AMISOM u joogto Soomaaliya.

Col. Cishahayo, ayaa soo dhoweeyay Ciidan kale oo beddelaya Guutooyinka shaqadooda dhammaystay , wuxuuna ku boorriyay Ciidanku inay aadaabta ilaaliyaan, kana soo dhalaalaan howlaha loo igmaday.

Ciidankan la sagootiyay ayaa ka tirsanaa qaybta Shanaan ee xooggaga AMISOM, kuwaas oo door weyn ku lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...