Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda dhaqan gelinta heshiiska nabadda dalka Koonfurta Suudaan

Date:

Jubba, Oktoobar 31, 2018;- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay garwadeen ka ahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ahaa Madaxweynayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koonfurta Suudaan, kaas oo looga gol lahaa xal u helista khilaafka dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabbaal degayo heshiiskii nabadeed ee la gaaray ayaa xusay dhibaatada dagaalka sokeeye, isaga oo si faahfaahsan uga sheekeeyey burburka Soomaaliya ka soo gaaray iyo sida ay haatan shacabka Soomaaliyeed uga soo kabanayaan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan daris-wanaagga iyo in ay dadaal ku bixiso nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Madaxda dalka Koonfurta Suudaan in ay ilaashadan heshiiskan nabadeed, kana shaqeeyaan sidii ay uga miradhalin lahaayeen himilooyinka shacabkooda.

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd xal u helista colaadaha sokeeye ee dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...