Wasiirka Waxbarashada XFS oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan Bangiga Adduunka iyo Madax kale

Date:

Muqdisho (SNTV);- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Nairobi, xubno ka tirsan Alternative Basic education learning event, bangiga Adduunka iyo Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Kenya.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulanka koowaad la qaatay xubno ka mid ah Alternative Basic education learning event, iyaggoo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda macalimiinta iyo doorka Dowladda.

“Waxaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shir kula yeeshay  xubno ka tirsan Alternative Basic education learning event, intii u dhaxeysay 24- 25-ka bishan, waxaan ka wada hadalnay sidii loo horumarin lahaa xirfadda macalimiinta iyo doorka dowladda, shirkan waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska USAID ee Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in sidoo kale  uu kulan la qaata madax ka tirsan bangiga Adduunka 26 ilaa 27-kii bishan,  islamarkana ay ka wada hadleen isku duba ridka waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre  ayaa ugu dambeyntii magaalada Nairobi kulan kula qaatay hogaanka ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha ku yaalla dalka Kenya, isagoo ballan qaaday inuu wax ka qaban doono baahiyaha ay qaban ardeydan.

“Waxaan sidoo kale la kulmay hogaanka ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha Kenya waxay noo sheegeen baahiyaha ay qaban, waxaan rajeyneynaa in wax badan ka qaban doono”ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...