Guddoomiye Eng.Yarisow “In Muqdisho lagu qabto Shirar Caalami ah waxay ka tarjumaysaa amniga iyo Horumarka Caasimadda”

Date:

Muqdisho (SNTV): — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka tarjumeyso horumarka dhinacyada kala duwan ee Caasimaddu ku tallaabsatay muddooyinkii la soo dhaafay.

Guddoomiye Eng. Yarisow oo Casho sharafeed u sameeyey madaxdii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, isagoo warbixin ka siiyey taariikhdii kala duwanaa ee Caasimaddu ay soo martay, isla-markaana xusay in waqtigan la joogo dib-u-soo kabasho dhinac walba ah ay ka jirto Magaalada Muqdisho.

“Muqdisho waxay astaan hiigsi u ahaan jirtay Caasimadaha Afrika, waqtigan oo dalkeennu ka soo kabanayo burburkii soo gaaray, waxay Caasimaddu sameynaysaa horumaro kala duwan oo dhammaantiin aad markhaati ka tihiin, kaasoo inoo suuragaliyey shirkan iyo shirarkii horey loogu qabtay”.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu shirkan u leeyahay dalka, waxuna uga mahadceliyey ka qeyb-galkooda wafuudii ka socotay dalalka xubnaha ka ah ururka.

Munaasabadda Cashada ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano, Xogahayaha Maamulka Gobolka Banaadir Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Marwo Basmo Caamir Axmed, qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Diblumaasiyiin, Siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...