Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay qodobo muhiim ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa kii 18-aad ee kalfadhiga 4-aad, waxaana soo xaadiray 149 Xildhibaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka shir guddoominaayay.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa saddex qodob oo kala ah:

  1. Dhameystirka dooda  aqrinta labaad hindise sharciyeedka golaha mihnadlyaasha caafimaadka qaranka.
  1. Aqrinta labaad hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga siyaasada maareynta maaliyadda ee dalka (PFM).
  1. Qeybinta xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn mar kale ka dooday sharciga golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaarada caafimaadka.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in qodobo muhiim ah lagu daro wax ka badalna lagu sameeyo qodobada qaar ee sharcigaan si muwaadiniinta soomaaliyeed ay u helaan xarumo caafimaad oo tayo leh.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa xildhibaanada mar kale horgeeyay sharciga wax ka badalka siyaasada maareynta maaliyadda ee dalka (PFM) oo aqrintiisa labaad galay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guddiga ay ka sugayaan warbixinta aqrinta 3-aad.

Guddoomiye Mahad ayaa sheegay in xildhibaanada ay intooda badan ku raaceen guddiga qaabka ay warbixinta usoo diyaariyeen iyo sida ay u aqbaleen talooyinkii ay dhiibteen xildhibaanada.

Ugu dambeyn xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo qeybiyay xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada oo ay soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda SoDMA oo kulan xog-wareysi ah ku qabatay Laaacaanood

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...