Kuweyt oo Beesha caalamka uga baaqday inay taageeraan Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Kuweyt  ayaa bulshada caalamka ugu baaqday inay taageero siyaasadeed iyo mid maadi ah u fidiyaan Soomaaliya oo iminka mareyso marxalad ay kaga soo kabaneyso dagaaladii sokeeye.

Baaq  ayaa ka dambeeyay kadib markii, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi una qaabilsan arrimaha ururada Dowliga  ah Nasir Alheyn uu hadaal ka jeediyayShirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Islaamka (OIC) oo manta  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wuxuu wasiirku intaa raaciyay inuu dalkiisa kuweyt waxba kala haraynin  dadaalka loogu jiro sidii loo sugi lahaa amniga Soomaaliya,isagoo la kaashanaya saaxiibadiisa, iyadoo la raacayo qaraarkii tirsigiisu ahaa 145 oo ka soo baxay kulankii 45-aad ee Golaha wasiirada ururka Iskaashiga Islaamka ee la xiriirtay xaalada Jamhuuriyada Soomaaliya iyo sidii loo taaba gelin lahaa hadafka  ay hiigsaneyso ee dhanka horumaarka ah.

Wuxuuna Wasiirka cadeeyay in hadafkaasi oo dowr weyn ka qaadanayo xaqiijinta himilada Soomaaliya iyo sidii ay ula jaanqaadi laheyd caalamka,wuxuuna intaa raaciyay in dalkiisa uu martigelin doono mustaqbalka dhow shirka dalalka deeq-bixiyeyaasha ee Waxbarashada Soomaaliya,taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa horumarka xasiloonida, waxbarashada, faafinta luqada carabiga iyo hirgelinta manhajyo waxbarasho  ka fog afkaarta xagjirnimada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo si adag u cambaareysay Doorashadii Sharcidarada ee Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...