Howlgal lagu xoraynayo degmada Ceelbuur oo ka bilawday Gobolka Galgaduud

Date:

Dhuusa-Mareeb-(SNTV)– Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa wadda Qorshe la-doonayo in Maleeshiyaadka Al Shabaab looga saaro deegaanno dhowr ah,kuwaas oo ay qayb ka tahay Degmadda Ceel-buur ee Gobolkaas.

Deegaanka Ceel-qorax oo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa laga sameeyay Xarun KMG si-ay Saldhig ugu noqdaan Howlgaladda lagu qaadayo Maleeshiyaadka Al Shabaab si-looga saaro Degmadda Ceel-buur.

Munaasabadda lagu furayey Xaruntaan KMG ah ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Sheekh Axmed Cali Jimcaale iyo Masuuliyiin kale oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Degmadda Ceel-buur Nuur Xasan Guutaale.

Gudoomiyaha Degmadda Cee-Buur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in Qorshahan Maleeshiyaadka Al Shabaab looga saarayo Ceel-buur muddo laga soo shaqeynaayay balse hadda ay ku rajo weyn yihiin siddii arrintan loogu dhaqaaqi lahaaa.

“Markaan waxaan rabnaa inay kama danbayn inoo noqoto, waxaana tegi doonaa meelaha Al Shabaab kaga sugan yihiin Degmada Ceel-buur oo muddo dheer dhibaato ku hayeen Maleeshiyaadka Al Shabaab” sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha degmada Ceel-buur.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Sheekh Axmed Cali Jimcaale ayaa isna sheegay in layska kaashado siddii Maleeshiyaadka Al Shabaab dadka looga kor qaadi lahaa.

Degmadda Ceel-buur ayaa waxaa ay muhiim tahay isku xirka Dagmooyinka Gobolka Galgaduud, balse Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa muddooyinkii danbe dhibaato ku hayay dadka Shacabka ah ee ku nool dagmadaas, waana taas midda soo dadajisay sidii Al Shabaab looga saari lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...