Guddoomiyaha Aqalka sare oo baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee ku dirirsan Gobalka Sool

Date:

Muqdisho (SNTV);- Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanada Dhumay,  Dharkayngeenyo iyo Nawaaxigeeda,wuxuuna tacsi u diray eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dagaaladaasi.

Senator Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in xilligan la daadiyo dhiig shacab badalkii nabada laga shaqeyn lahaa,wuxuuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka u joojiyaan,islamarkaana wax walba ku xaliyaan miiska wada hadalka.

“ Waxaan tacsi u dirayaa Ehalada dadkii ku dhammaaday deegaanka Dhumay,waa nasiib daro in xilligan dagaal sokeeye oo dad walaalo ah u dhaxeeyo soo cusboonaado,waxaan u soo jeedinayaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka iney u istaagaan sidii dagaaladaasi lagu joojin lahaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka sare oo hadalkaan ka jeediyay shirka Guud ee Golaha Aqalka sare oo maanta ka dhacay xarunta Golaha.

Sidoo kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda ayaa ugu Garaadada, Madax dhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.

Dowladda Federaalku ayaa waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan umadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida oo aasaas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...