Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS oo la kulmay Saraakiil ka tirsan AMISOM

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Cukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed  ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM, iyo xubno ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir.

Saraakiisha uu la kulmay wasiir ku xigeenka Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah  Johnson oo ka tirsan Booliska AMISOM iyo Yoonis Nuur oo ka socda gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa looga hadlay  siddii wada jir la iskaga kaashan lahaa  wacyi gelin loo sameeyo ardeyda wax ka barta iskuullada gobolka Banaadir islamarkana laga wacyi geliyo fikirka xagjirka ee dhaliya rabshadaha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in xubnahan ka socday saraakiisha booliska AMISOM iyo gobolka Banaadir isku afgarteen qodobada ay ka wada hadleen.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay saraakiil ka tirsan booliska AMISOM oo uu ka mid yahay Johnson iyo Yoonsi Nuur oo ka socday maamulka gobolka Banaadir, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah sidii iskaashi looga sameyn lahaa  sidii wacyi gelin loogu sameyn lahaa ardeyda taasoo ku saabsan in laga wacyi geliyo fikirka xagjirka ee ka dhalata rabshadaha, waana isku afgaranay,”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta siddii loo horumarin lahaa Waxbarashada dalka iyadoo Wasiirka Waxbarashada Cabdulahi Goodax Barre uu maalintii shalay ku dhawaaqay in la dhisi doono guddiga tacliinta sare ee dalka, si dib u habeyn loogu sameeyo waxbarashada jaamacadaha dalka, loona ogaado tayadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aanno adag oo ku wajahan amniga Dalka  

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey...

R/W ku-xigeenka Labaad oo dhagax-dhigay Suuq Xoolaha lagu iibin doono ee Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Abdisalaan Abdi Ali Dhaay...

Wasiirka Batroolka XFS oo ka qeyb galay Carwada Shidaalka ee Wadamada Bariga Afrika 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee...

S/G Odawa “Diyaar ayaan u nahay in aan ka hortagno kooxaha khawaarijta ah”

Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Rage, oo ah hoggaamiye sare...