Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV);- Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab, kaasi oo ku dhuumaaleysanayay nawaaxiga Degmada Afgooye.

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hayโ€™adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsi ka tirsan Al-Shabaab oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka sahanka ah, kaasi oo doonayay in uu bixiyo xogaha ciidamada.

โ€œMaanta ciidanka amniga ayaa kasoo qabtay nawaaxiga Afgooye, shakhsi sahan u ahaa AS, tabinayayna xogaha dhaq dhaqaaqa ciidanka si ay wadada ugu galaan. Howlgalkan cidi wax kuma noqon. Qabashadan waxay qayb ka tahay nabad kusoo dabaalida caasimadda,โ€ ayaa lagu yiri warka NISA.

Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya howlaha sugida amniga iyo waliba dabinada loo dhigayo dhaqar-qabayaasha maleeshiyada Al-Shabaab ee doonaya iney bulshada dhibaateeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale