Shir ku saabsan sidii bulshada Soomaaliyeed looga wacyi gelin lahaa xagjirnimada gacan ka hadalka ku dhisan ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Shirka oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah, ayaa si gaar ah looga hadlayaa diyaarinta istaraatiijiyada warbaahinta ee barnaamijka PCVE ee la dagaallanka xagjirnimada.
Shirkan ayaa waxaa kaloo ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socota Midowga Afrika iyo khubaro dhanka xiriirka bulshada, kuwaas oo ka soo qeyb galeyaasha la wadaagay hababka ugu wanaagsan ee bulshada looga wacyi gelin karo xagjirnimada.