Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Madax ka tirsan Dalka Ingiriiska

Date:

london October 18 (SNTV):-Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane,C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain.

Mudane, Beyle ayaa sheegay inuu halkaasi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Jeremy Hunt iyo Madax kale oo ka tirsan UK, iyagoo ka wada hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan Magaalada London kula kulmay Madaxda Dowladda Britain sida Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madax kale oo aan kala hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Dalkeena Soomaaliya.ayuu  yiri wasiirka Maaliyadda XFS.

Dhinaca kale Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa halkaasi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen caawinta iyo  horumarinta Dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...