Muqdisho (SNTV)- Kooxda kubadda cagta Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyaad ayaa maanta ay si wada jir ah ugu sameeyeen Taliska Ciidanka iyo Wasaaradda gaashaandhigga kulan dhiiri gelin ah, waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhige iyo Ku xigeenkiisa Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta goobta ka hadalay oo ay kamid ahaayeen wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa si wada jir ah ugu ballan qaaday kooxda in ay abaal marin heli doonaan hadii ay ka guuleysteen kooxda ay finalka la ciyaarayaan.
Horseed ayaa finalka la ciyaari doonto kooxda Benaadir koobka Jenaraal Daa’uud maalinta birrita ah.