Raโ€™iisul Wasaare Khayre: Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Xiranyahay Kordhinta Tacabka Iyo Wax Soo Saarka Beeraha

Date:

Muqdisho October 16 (SNTV):-Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa beeralayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha si ay usoo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalka ay ugu dhoofiyaan dunida.

Raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta beeralayda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beeralaydu ay hoggaan u ahaayeen horumarinta dhaqaalaha dalka, xilligaanna ay muhiim tahay in ay soo nooleeyaan dawrkooda, qaybna ka qaataan soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed oo ku xiran isku filnaansho dhaqaale.

โ€œDawladdeennu waxa ay ka shaqaysaa soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Soo celinta sharaftu waa in aadan tuugsan, si aadan u tuugsanna waa in aad wax soo saartaaโ€ayuu yiri raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Khayre

โ€œMarka aad isku filantahay ayaad gaari kartaa goโ€™aan xor ah oo aad kula dhaqmi karto dunidaโ€ ayuu raaciyay raโ€™iisul wasaare Khayre.

Raโ€™iisul wasaare Khayre ayaa soo dhaweeyay heshiis hayโ€™adda cunnada adduunyada (WFP) ay 4,000 metric ton oo Ganley ah uga iibsnayso beeralayda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay tahay bilaaw wanaagsan, hadii beeralaydu ay kordhiyaan tacabka beerahana ay heyโ€™adaha gargaarkuna kordhinayaan iibssiga dalagga gudaha si ay ugu quudinayaan dadka gargaarka u baahan ee ku nool dalalka dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...