Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Madaxa UNHCR kala hadlay Xal-u-helidda Barakacayaasha

Date:

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan UNHCR Danjire Maxamed Cabdi Afeey iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren.

Duqa Muqdisho iyo Madaxda UNHCR ayaa ka wada hadlay sidii xal-waara loogu heli-lahaa barakacayaasha ka badan 5,000 ee ku sugan gudaha iyo daafaha Caasimadda. Waxana ay isla soo qadeen shaqo abuurka dhalinyarada, dayactirka iskuullada iyo xarumaha Caafimaadka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin dheer ka siiyey ergada Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga xaaladda barakacayaasha ku sugan Caasimadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo taageerada loo fidinayo waqtigan .

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda UNHCR ee maanta noogu yimid xarunta Dawladda Hoose, si aan wadajir uga xaajoono mustaqbalka kumanaanka barakacayaasha ah ee ku nool gudaha iyo daafadaha Caasimadda iyo dadka qaxootiga dib uga soo laabanaya. M/mulka G/Banaadir si buuxda ayay u garab-taagan yahay qaxootiga iyagoo ka wada shaqaynaya hay’adaha gargaarka sidii looga caawin lahaa in qaxootigu ay noloshooda dib u yagleelaan”.

Ergeyga Gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in mar walba diyaar u yihiin gacan siinta qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana maadaama ay Caasimadda ku nool yihiin qaxooti tiro badan lagama maarmaan tahay in taageerada la sii labo-jibaaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...