Madaxweynaha oo kulamo wadatashi iyo dhiirigelin ah la qaatay bulshada Marka iyo Guutada 14ka Oktoobar ee CXDS

Date:

Marka, Oktoobar 14, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulamo xogwareysi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dhiirrigeliyo Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14kii Oktoobar sannadkii 2017kii.

Guutadan ayaa haatan ku guda jirta hawlgallo ciidan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab, iyadoona bartilmaamsanaysa in ay meleyshiyaadkaas ka sifeeyaan guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey bulshada ku dhaqan magaalada Marka sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay ilaashadaan nabadgalyada haatan ka jirta magaalada Marka kaddib markii ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka saareen maleeshiyaadkii Al Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo la tashi ah waxa uu la qaatay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, isagoona kala hadlay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Kaddib aragti wadaag ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxa ay isla garteen in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxaysa odayaasha dhaqanka, bulshada iyo cutubyada ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaas ka wada hawlgallada dalka lagaga sifaynayo argagixisada Alshabaab.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...