Askar ka soo ย baxay aag dagaal oo la xukumay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Laba iyo toban (12) askari oo sooย  faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka ย kowdii bishii sideedaad ee sanadkan.

Askartan ayaa ka sooย  baxay aagga Dhanaane ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ayย  wada ahaayeen isku difaac halka sedaxda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay dowladda Soomaaliya dhawaanahaanba ka wadayย  dib u xureynย  deegaanno iyo waddooyin kamid ah gobalka.

20-ka Bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dacwadda la xiriirta eedeysanayaasha, waxa ayna xilligaas weydiisteen garsoorka in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay ย Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwadย  qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari.

24-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo fariistay fadhiga hore ee ย dhageysiga dacwadda la xiriirta 12-ka askariย  oo ย loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amar diido, waxaa ย xafiiska xeer ilaalinta ku soo bandhigeen Maxkamadda ย taliya ururukii iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo si wada jir ah u soo gudbiyay dacwadda eedeysanayasha, sidoo kale maxkamadda ayaa dhageysatay dhammaanย  jawaabaha ay ka bixiyeen eedda loo jeediyay oo dhammaantoodย ย  isla qirayย  in sedax kamid ah maahe intooda kale ay ka soo baxeen agga dhanaane halka kuwa kale ay iyagane loo heysto in ay ka soo baxeen furin dagaal oo ay ku qornaayeen.

Waxaana Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen Garsoorayaasha In lagu xukumo xukunno u daneynayo adkeysiga iyo amar qaadashada ciidamadaย  dhexdooda si loo ilaaliyo hadaf ciidan oo ku dhisan u adeegidda qaranka.

Qareenada u doodayay ย eedeysanayaasha ayaaย  ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa ย qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen.

Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda, ย doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda ย ayaa ugu dambeyn goโ€™aan ku gaaray inย  dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyacda goob joogga u ahaa fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Xukunka Maxkamadda ayaa xoojin karo adkeysiga ciidamada iyo in aysan soo faarujin goobaha ay kala wareegaan maleeshiyada Alshabaab sida horay u dhici jirtay.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...