Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u Ambabaxay Dalka Sucuudiga

Date:

Muqdisho (SNTV):โ€”Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Sucuudi Carabiya kadib casuumaad uu ka helay Boqor Salman bin Abdulaziz.

Raโ€™iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo dalka Sucuudiga ay uga billaabanayso booqasho rasmi ah oo laba maalin qaadanaysa, ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiirrada warfaafinta, arrimaha dibadda iyo ganacsiga iyo xildhibaanno.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in raโ€™iisul wasaare khayre iyo madaxda dalka Sucuudiga ay yeelanayaan kulamo looga hadlayo xoojinta xariirka walaaltinimmo ee labada dal ka dhexeeya, isbedellada gobalka iyo guud ahaan caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...