Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la Kulmay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Kaaliyihiisa gaarka ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  iyo Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta QM iyo Golaha Shacabka gaar ahaan sidii baarlamaanka looga taageeri lahaa dhinaca sharci dejinta.

Waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen baarlamaanka dhexe iyo Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedyada iyo sidii sanadka 2020-ka ay doorasho qof iyo cod ah uga dhici laheyd Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa guddoomiyaha uga mahad celiyay xoojintiisa la xiriirta wada shaqeynta golaha shacabka iyo Qaramada Midoobay isagoo balan qaaday wad shaqeynta labada dhinac la xoojin doono.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Nicholas Haysom Ergayga gaarka ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay isagoo ka rajeeyay in halkiisa kasii wado wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa golaha shacabka e Baarlamaanka iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...