Kullan lagu taageerayay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Muqdisho October 8 (SNTV):- Kullan lagu taageerayay ololaha Shacabka Hirshabeelle kaga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab ayaa  lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeyb galay,Haween,Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale,Kullanka waxaa loogu duceynayay dadkii ku dhintay dagaalka maleeshiyada Al-Shabaab ay kula galeen deegaanno ka tirsan Hirshabeelle.

Intii uu kullanka socday waxaana madasha laga akhriyay baaq laga soo saaray sidii loo taageeri lahaa gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab loona dhiira geliyo shacabka iskood isku abaabulay si ay isaga dul qaadaan culeyska Nabad diidka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo Caasho Cumar Gees-diir oo kullanka ka hadlay ayaa si wadajir ah u taageeray shacabka is abaabulay islamarkaana dagaal adag kala hortagay argagixisada Al-Shabaab,waxayna shacabka iyo Dowladda Federaalka ka dalbadeen in la garab istaago shacabka Hirshabeelle ee diiday iney ku hoos noolaadaan gumeysiga Al-Shabaab.

Shacabka is abaabulay ayaa maleeshiyada Al-Shabaab kula dagaalamaya deegaano ka tirsan Hirshabeelle,kuwaasi oo u dulqaadan waayay amarada naxariis darada ee Nabad diidka ka soo baxayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...