Safiirka cusub ee Germany oo Soomaaliya soo gaaray.

Date:

Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Marwo Annett Günther, Safiiradda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya.

Wasiir Axmed Cawad ayaa soo dhoweeyay Marwo Annett Günther, Safiiradda loo soo magacaabay dhowaan Soomaaliya, waxa uu u rajeeyay guul inay ka soo hoydo howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku garab siin doonto shaqadeeda danjiranimo ee Soomaaliya.

Safiiradda cusub ee Germany ayaa carabaabtay sida dowladdeedu ugu diyaar tahay inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya si loo gaarsiiyo heerkiisa ugu sarreeya oo dhinac waliba leh.

Intii kulanku socday ayaa waxaa looga wada hadlay qaabka sare loogu qaadi lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah oo dhinac kastaba leh, sidoo kale waxaa la isla faaqiday arrimaha ka taaggan xilligan gobolka iyo dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...