Safiirka cusub ee Germany oo Soomaaliya soo gaaray.

Date:

Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Marwo Annett Günther, Safiiradda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya.

Wasiir Axmed Cawad ayaa soo dhoweeyay Marwo Annett Günther, Safiiradda loo soo magacaabay dhowaan Soomaaliya, waxa uu u rajeeyay guul inay ka soo hoydo howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ku garab siin doonto shaqadeeda danjiranimo ee Soomaaliya.

Safiiradda cusub ee Germany ayaa carabaabtay sida dowladdeedu ugu diyaar tahay inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya si loo gaarsiiyo heerkiisa ugu sarreeya oo dhinac waliba leh.

Intii kulanku socday ayaa waxaa looga wada hadlay qaabka sare loogu qaadi lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah oo dhinac kastaba leh, sidoo kale waxaa la isla faaqiday arrimaha ka taaggan xilligan gobolka iyo dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...