Wasiirka Caddaalada XFS oo soo xiray tabbabar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta

Date:

Muqdisho (SNTV)– Wasiirka Caddaalada ee Xukuumadda FS ayaa galabta soo xiray tabbabar ku saabsan sare u qaadista ilaalinta xaquuqda carruurta.

Tababarka oo socday labo maalin ayaa loo qabtay qaar ka mid ah howl wadeenada hay’adaha caddaalada, waxaana looga hadlay sare u qaadisata ilaalinta xaquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Yaxye  Maxamuud Siciid oo u hadlay shaqaalaha ka socday hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka ee tabbabarka qaatay ayaa sheegay in tabbabarka laga faa’iidey waxbadan.

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa u sheegay ka qayb galayaasha in ilaalinta xaquuqda carruurta ay tahay muhiimad weyn, isla markaana Wasaaraddu badin doonto tabbabarada noocaani oo kale ah, si loo sii xoojiyo ilaalinta xuuuqda carruurta Soomaaliyeed.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Wasiirka Haweenka iyo hormarinta xaquuqul insaanka dalku saxiixday heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xaquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay, waxaana Dowladda Soomaaliya muddooyinkii dambe ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii sare loogu qaadi lahaa hay’adaha garsoorka dalka iyo ilaalinta xaquuqda Aadanaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...