Soomaaliya iyo UNHCR oo ka wada hadlay arrimaha Soomaalida ku go’doonsan Liibiya

Date:

Geneva (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed  Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Geneva ee Switzerland Guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Mudane Filippo Grandi kaas oo looga hadlay Arrimaha Qoxootiga Dalka Liibiya.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale kala hadlay Filippo Grandi barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya,islmarkaana kaalmo u fidin degdeg ah loo lala gaari lahaa qaxootiga kahor intaanan dalka dib loogu celin iyo kadibba.

Kulankan shalay ka dhacay magaalada Geneva waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva, Marwo Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya), Safiirka Soomaaliya ee wadamada la isku yiraahdo “Benelux” iyo Xarunta Midowga Yurub ee Brussels Dr. Cali Siciid Faqi, Guddoomiyaha Hey’adda Qaranka ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Mudane Axmed Cabdikarim Nuur (Axmed-Daahir) iyo Ergeyga gaarka ee Soomaaliya ee Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta, Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...