Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Dawlad-wanaagga iyo Doorashooyinka 2020

Date:

Muqdisho October 1 (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen beesha caalamka.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u sheegay in dawladdu si buuxda looga taageero fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaarayo doorashada si lamid ah caawimaadii horay looga gaystay dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha oo guulo waaweyn laga gaaray.

“Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...