Muqdisho oo laga xusay maalinta Beeraha Carabta

Date:

Muqdisho October 1 (SNTV):- Magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horeysay maanta lagu qabtay Munaasabad lagu Xusayay maalinta Beeraha Carabta oo sanadkiiba mar la qabta.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Beeraha , xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, Safiirka jaamacadda carabta u fadhiya soomaaliya, wafdi ka socday dalalka jaamacadda carabta, wakiilka soomaliya u fadhiya Hey’adda FOA  , qubaro ku xeel dheer arimaha beeraha  iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Masuuliyiinta xaflada kasoo qeyb gashay ayaa ku dheeraaday ka Hadalka qiimaha ay leedahay maalinta beeraha carabta, waxeyna dhinaca kale isla meel dhigeen sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta wax soo saarka dalalka jaamacadda carabta oo ay soomaaliya qeyb ka tahay.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda beeraha iyo waraabka Axmed Cilmi Waasuge oo xafaladda kadib saxaafadda la hadlay ayaa sharaxay qiimaha ay leedahay maalinta beeraha carabta oo markii ugu horeysay dalka laga xusay.

Ugu dambeyn wasiirka Beeraha iyo waraabka Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa hadiyaddo gudoonsiiyey qaar kamida marti sharaftii kasoo qeyb gashay xuska munaasabadda maalinta beeraha carabta oo markii ugu horeysay la asteeyay sanadkii 1972.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...